U bood dhigaalka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Dowladda Shiinaha Kala Hadashay Hormarinta Caafimaadka Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo booqasho ku joogta dalka Shiinaha ayaa halkaasi waxa ay kulan kula qaadatay wasiirka dalkaasi u qaabilsan caafimaadka Li Bin oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Arimaha laga hadlay waxaa ka mid ah dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale in Shiinaha ay dib usoo celiyaan qubaradii caafimaadka ah ee dalka usoo dir jireen.

Labada wasiir ayaa isku afgartay in la kala saxiixdo heshiis dhanka caafimaadka la xiriira iyo sidoo kale in dowladda Shiinaha ay sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ugu soo diraan xubno ka socda wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi, kuwaa oo baaritaan ku sameyn doona baahida caafimaad ee dalka ka jirta.

Wasiiradda iyo wafdiga la socda ayaa dhinaca kale waxa ay kormeer ku tageen Isbitaallo ku yaalla dalka Shiinaha, Jaamacado iyo xarumaha cilmi baarista ee dalkaasi.

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda caafimadka xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa la kulantay arday Soomaaliyeed ee wax ka barta Shiinaha, waxaana ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ugu horeyso horumarada ay sameeyeen ardayda iyo hadii ay jiraan dhibaatooyin ay ardaydaasi la kulmaan.

Halkaan hoose ka daawo sawirada

7 6 5 4 3 2 1

Goobjoog News