U bood dhigaalka

Wasiirka difaaca oo kormeeray guutooyinka howlgalada ka wada gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wasiirka gaashaandigga xukuumadda federaalka ah Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kormeeray guutooyinka ciidamada dagaalka kula jira ururka alshabaab ee ku sugan gobalka Hiiraan.

Jaamac oo ay wehlinayaan Taliyaha ciidamada xoogga Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha ciidamada lugta Biixi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Wasiirka oo la hadlay ciidamada ayaa sheegay in looga baahan yahay in dalka ay ka difaacaan oo ay laba jibaaran dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

“Waxaan rabnaa in dalkaan uusan mar dambe u afduubnaan wiilal yaryar oo maskaxda laga soo qalday, ineysan gabar dambe oo Soomaaliyeed u dhibaatoon, wiilka iyo waayeelka Soomaaliyeedna uusan u dhibtoon”.

Sikastaba gobalka Hiiraan ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka socday howgallo ka dhan ah ururka alshabaab.

Goobjoog News