U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Kismaayo Kulamo Kula Qaadanayo Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ka Mid Ah Jubbaland

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobaka Jubadda Hoose waxaa ku sugan wasiirka gaashaandhiga xukumaadda Soomaaliyeed Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, isaga oo halkaasi kulamo kula leh saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Jubbaland.

Wasiirka ayaa booqasho ku tagay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Kismaayo iyo sidoo kale duleedka magaaladaasi.

Sidoo kale wasiir diini ayaa tagay furumaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, halkaasi oo ahayd furunta ugu dambeysay ee ciidanku ku sugnaayeen.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose waxaa ka soconayo kulamo gaar gaar ah oo wasiirku la leeyahay madaxda Jubbaland, waxaana ay ka wada hadli doonaan arimo badan oo muhiim ah.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo wasiirka inta uu halkaasi ku sugan yahay la kulmi doono mas’uuliyiin dhowr ah.

Goobjoog News