Wasiirka Gaashaandhigga Iyo Madaxweynaha Galmudug Oo Maanta La Kulmay Shacabka Ceelbuur (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Somaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo ay wehliyaan Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,wasiir u dawlaha Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale, Xildhibaannno, Xubno ka tirsan Maamulka Galmudug iyo saraakiisha AMISOM ayaa maanta gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, halkaasoo ah magaalo taariikh weyn leh isla markaana ay muddooyinkii ugu danbeeyey go’doomiyeen kooxaha nabadda diidan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wafdiga la socday ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada Qaranka iyo kuwa AMISOM, iyagoo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada kaa oo looga hadlayay xaaldaha amaanka,nolosha dadka iyo guud ahaan sidii loo horumarin lahaa.

Degmada Ceelbuur oo mudo labo sanno ah gacantooda ka maqan Argagaxisada Al-Shabaab ayaa dadkii ku noolaa waxay ku suganyihiin meel duleedka ka ah kadib markii ay Al-Shabaab ceelasha biyaha kala baxeen Bamkii biyaha kasoo saarayay taasina ay keentay in dadku ay aadaan goobo ay biyo nadiif ah ka helaan.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu ka shaqayn doono sidii deegaanka u heli lahaa adeegyada muhiimka ah, isagoo balan qaaday in si deg deg ah loo howl-gelin doono matoorkii Biyaha siin jiray magaalada. AMISOM iyo Dawladduna wadajir uga shaqayn doonaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen dadkii magaalada isaga cararay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in Ceelbuur ay tahay magaalo leh ilbaxnimo iyo xadaarad fog, haddana lagu dadaali doono sidii loo soo celin lahaa wax soo saarka degmada. Wasiirku wuxuu mar kale ku celiyay in loo baahan yahay in dhallinyarada Shabaab xubnaha ka ah, hadday ka tanaasulaan fikirkas cafinayo dib laguu abuuri doono nolol anfacda.

“Ceelbuur waa magaalo taariikh weyn leh isla-markaana ay ku yaalaan goobo dhisnaa ku dhawaad 100 sanadood waxeyse xiligan u baahantahay in wax badan ay u qabtaan dadkeedu. Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in shacabka Ceelbuur ay nabad ku noolaadaan isla markaana helaan nolol lamid ah mida ay haystaan deegaanada kale, waxaan idiin sheegayaa in dhawaan deegaanka la keeni doono Ciidamo dheeraad ah si ay gacan uga geystaan sugidda nabad galyada kuwii hore ee joogayna la tayayn doono. ” ayuu yiri Wasiir Diini oo raaciyey.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ku sugan yihiin shacabka Ceelbuur, wuxuna baaq u direy Hay’adaha Caalamka iyo dadka deegaanka ka soo jeeda in ay gacan deg deg ah u fidiyaan dadka dhibayaasha u ah cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo dadweynihii uu la kulmay gaar siiyey salaan uu ka wadey madaxda Qaranka.

 

—-Dhammaad—-

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW