U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odawaa Yuusuf oo Kurmeeray Ku Maraya Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray degaanadi dhowaan ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kwa deegaanka ee isabaablay, deegaannaadan ayaa hoostaga degmada Buulo Burde.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  ayaa tagay degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo dhawaan oo dhowaan ay la wareegeen ciidanka isgarabsanaya ee dowladda iyo kuwa deegaanka,iyadoo lagu wado wasiirka inuu booqdo deegaanno kale oo dhaca gobolka.

Ciidanka qaabka sida oo kaashanaya shacabka degaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno hoostaga degmada Buulo Burde oo muddo u go’doonsaneyd xoogga Al-shabaab, ciidanka ayaa la wareegay Yasooman oo aheyd fariisintii ugu weynd Galbeedka Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo shacabka ee howlgallada ka wada gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ay la wareegeen deegaanka Booco oo 45km u jirta magaalada Baladweyne, guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in deegaanka Booco ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah isaga oo dalbaday gargaar lalas oo gaaro.

Goobjoog News