U bood dhigaalka

Wasiirka Gargaarka: Abaaro Baa Ka Jira Galmudug

Sheeko:Dalka

Wasiirka gargaarka Galmudug Shire Xirsi Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda abaaraha ee gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Wareysi uu siiyay Goobjoog News ayuu sheegay wasiirku in abaarta ka jirta Galmudug ay maanta gaartay meeshii u sarreysay oo dadka iyo duunyada ay u dhimanayaan.

“Xaaladda abaaraha ee Galmudug waa mid aad u xun maxaa yeelay degaanno badan oo ku yaalla gobolka Galgaduud iyo bariga gobolka Mudug ayay abaaruhu ka jiraan, xoolihii waa ay dhammaadeen oo waxay u la’deen harraad dadkii ayaaba waxay cabaan heysan maxaa xoolaha lagu gaarayaa” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka gargaarka iyo beni’aadanimada Galmudug Shire Xirsi ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha Galmudug ee dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in marka ugu horreysa dadka ay ugu tala galeen gargaarka aan badnayn oo ay gaarsiin doonaan.

“Waxaan qorsheynay in dadka aan gaarsiino xoogaa gargaarka ah oo Galmudug ka socda kuwaasoo aan geyn doonno meelaha ugu daran” ayuu yiri wasiirka gargaarka.

Xaaladda abaaraha Galmudug ayaa aad u sarreysa, waxaana degaannada qaar la soo sheegayaa in dadkii xoola dhaqatada ahaa ay ku dhaceen xanuunno dhimirka ah oo ay isdaldaleen markii ay xoolahooda ka baaba’een.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada