U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Maamulkii Hore Ee DDSI Oo Lagu Xiray Somaliland

Sheeko:Dalka

Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga dhigay Labo wasiir oo ka tirsanaa Maamulkii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirkii Waxbarashada DDSI Ibraahimn Aadan Mahad iyo Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulkaasi Jamaal Axmed Qolombi ayaa su’aallo lagu weydiinayaa saldhigga Hargeysa.

Wasiirradaan ayaa waxaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa waxaana gacanta ku dhigay ciidamada laanta Socdaalka ee Somaliland.

Ilo wareedyo u dhow laanta Socdaalka Somaliland ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in Mas’uuliyiintaan lagu heysto in deegaannada Somaliland ay ku soogaleen si sharci darro ah islamarkaasna aysan heysan wax dal ku gal ah.

Goobjoog News