U bood dhigaalka

Wasirro Ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Oo Baladweyne u Tagay Xalinta Tabashada Odayaasha Hiiraan Ee Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka gobolkaasi qaarkood ayaa wasiiradaan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Wasiiradaan ayaa u tagay magaalada Baladweyne sidii ay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ugala hadli lahaayeen Shirka Jowhar oo weli dood ay ka taagan tahay.

7-dii bishan kulan ay magaalada Baladweyne ku yeesheen Odayaasha dhaqanka Hiiraan waxay ku sheegeen in marnaba aanay raali ka ahayn waxa ka socda magaalada Jowhar, shirkana ay laga fara maroojiyey waxgaradkii Labada gobol.

Waxay Odayaashan oo sheegay inay kasoo kala jeedaan gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya inuu gabi ahaanba fashilmay Shirka Jowhar.

Inkastoo ay taasi jirto ayaa waxaa jirtay in Todobaadkii tagay Jowhar ay gaartay diyaarad wadda Odayaal dhaqameed la sheegay in ay ka socdaa gobolka Hiiraan kuwaa oo shirka ka qeybgalaya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku mashquulsan xallinta tabashada waxgaradka ku sugan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News