U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Caafimaadka Laga Helo Bataatiga

Sheeko:Caafimaadka

Bataatiga waxaa laga helaa dheef badan  iyo faytamiin farabadan oo adkeeya caafimaadka jirka kana ilaaliya cudurrada halista ah. Sidaas oo kale waxaa laga helaa carbohydrates iyo contains badan  oo ka shaqeeya adkeynta caafimaadka dheefshiidka kana ilaaliya dhibaatooyinka ku soo waajahan iyo calool majiirka.

Sida uu qoray website-ka “Organicfacts“, waxaa jira faa’iidooyin badan oo bataatigu leeyahay, waxaa ka mid ah:

  1. Faytamiin badan iyo amino acids ayaa laga helaa, kuwaas oo ka shaqeeya xoojinta dareemayaasha iyo maskaxda, sidaas oo kale waxa uu ka shaqeeya firfircooni gelinta xasuusta iyo ka hortagga cudurrada AlZheimer’s iyo asaasaqa.
  2. Waxa uu kaalin wax ku ool ah ka ciyaaraa xakameynta sonkorta jirka, marka la eego faytamiinka faraha badan ee ku jira iyo dheeftiisa sarreysa.
  3. Caafimaadka wadnaha ayuu ilaaliyaa, waxa uu ka dhowraa istaroogga iyo in xididada uu dhiig fariisto, macdanta tirda badan ee ku jirta darteed.
  4. Jirka ayuu ka dhowraa inuu ku dhaco xanuunnada kansarka, waxaa ku jira antioxidants oo adkeeya caafimaadka jirka kana dhowra cudurro halis ah.
  5. Bataatiga waxaa laga helaa iron badan, calcium iyo phosphorus, sidaa darteed caafimaadka lafaha ayaa lagu xoojiyaa caabuqyada kala duwanna waa lagu daaweeyaa, sidaas oo kale waxaa jirka looga dhowraa inuu ku dhaco lafo jileec.
  6. Waxaa lagu daaweeyaa calool majiirka iyo dhibaatooyinka habdhiska dheefshiidka, waxaa laga helaa anti-inflammatory oo ka hortagta caabuqyada iyo faytamiinaad kale.
  7. Cilmi-baarisyada qaar waxey caddeeyeen in cunista bataatigu ay xoojiso caafimaadka habdhiska difaaca jirka oo ay ka ilaaliso cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin.
  8. Caafimaadka indhaha ayaa lagu ilaaliyaa, aragtidana waa lagu xoojiyaa, waxaana looga ilaaliyaa dhibaatooyinka caafimaad ee soo waajihi kara.
  9. Dumarka uurka leh ayaa lagula taliyaa iney qaataan, caafimaadkooda ayaa lagu xoojiyaa ilma uurka ku jirana waxaa looga dhowraa dhalanrogan kasta oo soo waajihi kara.
  10. Caafimaadka xaragga ayaa lagu dhowraa waxaana looga ilaaliya finanka iyo dildillaaca.

Goobjoog News