Wax Ka Ogow Taariikhada Deegaanka Ceel-macaan, Sh/dhexe

Ceel- macaan waa deegaan gobolka Banaadir uga beegan dhanka bari waxayna Muqdisho u jirtaa ku dhawaad 35 KM, waxa ay deegaan noqotay horaantii sanadkii 1991-dii, waana deegaan ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

Afar Sano ka dib markii la dagay Ceel-macaan waxa ay noqotay isha dhaqaale ee koofurta Soomaaliya, maadaama waqtigaasi ay xirneyd dekadda Muqdisho oo ay saameeyeen dagaalladii dalka ka dhacay.

Dekadda ceel-macaan waxa ay shaqeyneysay sanadkii 1995-2006dii waa deegaan leh qurux dabiiciya,badanaa dadka ku nool waa kuwa is yaqaanno.

Waxaa jirta goobo ay iskugu yimaadaan si ay iskaga warqaataan,inta aadan gudaha u galin Ceel-macaan waxaad arkeysaa Marsada Joon Kaarlo oo ahaa ganacsade keeni jiray baabuurta iyo badeecooyinka  waxa uuna ahaa nin u dhashay dalka Talyaaniga.

Nolosha ka jirta Ceel-macaan waa mid ku kooban Kalluumeysiga, dadka degan halkani ganacsiga ugu badan oo ay sameeyaan waa iib-geynta Kalluunka iyaga oo si maalin la’ ah uga soo Kalluumeysta badda.

Qoysaska Ceel-macaan ku nool waa dad leh doomo yaryar kuwaas oo ay ku damtaan Kalluunka xirfaddoodana waa jallaabashada Kalluunka waxa ayna dhaqaalaha ka soo baxa ay ku dabaraan noloshooda.

Maxamed Abiikar Cismaan Kalluumeyste waxa uu yiri:

“Degmada waxa ay ku dhisantahay ganacsiga Kalluunka, inta badan dadka waa Kalluumeysato qutulyoonkooda waxa ay kala soo baxaan badda,waxaan u dirnaa badda dooman, aad ayaana ugu qanacsannahay waxa ay noosoo qabtaan doomaha”.

Reer Ceel-macaan maskaxdooda kama baxeyso maalmihii ay noloshooda uga xamaalan jireen badda, waxa ayna kuu sheegayaan tiro badnida doomihii ku soo xiran jiray Marsadii macmalka aheyd .

Cabdulqaadi Macaane Cabdi Kallumeysato waxaa uu yiri:

“Illaa iyo soona Kismaayo halkani ayaa Dekad u aheyd, meel kale oo wax laga dejin jiray ma jirto,halkii mar waxaa dagi jirtay ilaa iyo afar kun oo loor, Soomaaliya meel kasto oo ka mida halkani ayaa wax looga qaadi jiray”.

Khatarta ka-kaluumeysiga xeebaha Soomaaliya ayaa noqotay mid ay aad uga niyad xunyihiin kalluumeysatada danyarta ah kuna sugan deegaannada xeebaha leh, mararka qaar waxaa dhacda in naftooda ay ku waayaan Maraakiibta shisheeye oo biyo kulul ku seyriya Kalluumeysatada.

Ilaa iyo haatan waxaa la la’yahay kalluumeysato reer Ceel-macaan ah waxayna noloshooda ku tiirsaneyd ka-kaluumeysiga badda.

Maxamed Macallin Yuusuf Kalluumeysato:

“Dhibaatooyin faro badan ayaa qabnaa, waxaana ka mida inay naga maqanyihiin dooman iyo dad muddo gaareysa dhowr iyo labaatan maalmood, mana jirto cid noo timid oo na tiri sidey wax idin ka yihiin, waxaa jirta in dadkii la waayey dooman lagu raadiyo,waxaan tagnay  ilaa iyo baraawe waana weynay”.

Ceel-macaan malahan adeegyada nolosha asaa-siga u ah wax walba oo ay u baahanyihiin waxa ay u soo aadaan magaalada Muqdisho,iyada oo si maalin la’ ah loogu soo suuq-geeyo kalluunka.

Sida ay dekadda uga xirantay deegaan-kaan  nolosha ka jirta waxa ay gashay gabaabsi .

Cabdulqaadir Macallin Cabdulle Kalluumeysato:

“Waxbarasho Iskuul kama jirto xarun caafimaad malahan, waa magaalo aad u weyn hooyo uur leh xataa haddii fool ay qabato meel lageeyo malahan, meel macmal ah ayaa heysannaa caafimaad iyo waxbarasho intaba ma jiraan “.

Waa deegaan nabdoon dadka ku noolna ay ka jilaabtaan badda,waxa ay ka cabanayaan ayaa ah biraha haraadiga ah intii dekadda ay shaqeyneysay ku aasmay dhulka iyo maraakiibta shisheeye,labadaan arrin ayaa hoos u dhigay ganacsiga Ceel-macaan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW