U bood dhigaalka

Waxgaradka Degmooyinka Dhuusamareeb Iyo Guriceel Oo Eedeyn u Jeediyay Dowladda Federaalka Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmooyinka Dhuusamareeb ee Guriceel ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug inay wadaan qorshe dagaal oo ka dhan ah degmooyinkaasi.

Waxgaradkan oo kulan ku yeeshay degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in hadda ay ka war hayaan qorshe dagaal oo lala damacsan yahay Guriceel iyo Dhuusamareeb, balse wax walbo ay mas’uuliyadooda qaadayaan dowladda Federaalka iyo Galmudug.

Waxay tilmaameen in abaabullada dagaalladaan hadda laga wado degmada Cadaado iyo sidoo kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa mas’uul ka noqon doona wixii ka dhaca Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaan la soconnaa in abaabul colaadeed ay wadaan, waxay kasoo abaabulayaan duulaannadaan Koonfurta Gaalkacyo iyo Cadaado, waxaan leeyahay beelaha walaalaha ah ee halkaasi deggan yeenaan colaadi idin soo dhexmarin” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka halkaasi ku shiray.

Ugu dambeyn waxgaradkani ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ogaato in shacabka ku dhaqan gobollada dhexe ee dalka aanay xilligaan diyaar u ahayn dagaallo iyo dhiig la daadiyo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada