U bood dhigaalka

Waxgarad Cabasho Ka Muujiyay Qaabkii Loo Xulay Golaha Deegaanka Gaalkacyo Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Waxaa soo badanaya waxgaradka cabashada ka ah golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, xilli dhawaan lasoo gaba gabeeyay wejiga Koowaad ee dhismaha golahaasi.

Nabadoon Maxamed Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa isaga oo xiriir lasoo sameeyay Goobjoog News waxa uu sheegay in dad badan oo ku dhaqan Gaalkacyo aanay helin xuquuqdii ay golahaasi ku lahaayeen.

27-ka xubnood ee golahan uu ka kooban yahay ayuu sheegay Nabadoonka in dad gaar ah ay soo xusheen, islamarkaana dacwad ay u gudbiyeen madaxweynaha Galmudug aanay ka helin jawaab ay ku qanci karaan.

“Waxaan la hadalnay markii ugu dambeysay madaxweynaha Galmudug, waxaana uu inoo sheegay in wax walbo ay dhamaadeen hadii aan qanacsanaan lahayn iyo hadii kale, sidaa darteed waxaan  idiin cadeynayaa in dad gaar ah ay golahii deegaanka Gaalkacyo la wareegeen” ayuu yiri nabadoonka.

Sidoo kale Nadoon Maxamed Maxamuud ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee dalka in ay faragelin ku sameyso arrimaha ku aadan golaha deegaanka Gaalkacyo oo uu sheegay in waddo qaldan loo maray soo xulistooda.

Waxgarad ku sugnaa Gaalkacyo ayaa horay sidaan oo kale dhaliil ugu jeediyay maamulka Galmudug taasi oo ku aadan soo xulista golaha deegaanka ee maamulkaasi.

Goobjoog News