U bood dhigaalka

Waxgarad Hor Leh Oo Ku Biiray Shirka Nabadeynta Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa gaaray Odayaal dhaqameed tiro badan, kuwaasi oo ku biiray shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaaladaasi.

Diyaarad gaar ah oo sidday Odayaal dhaqameed uu hogaaminayo Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar ayaa ka degtay Baladweyne, kuwaasi oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Waxay si toos ah u tageen waxgaradkani halka uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta, iyagoo soo dhaweyn ka helay waxgaradkii ka horreeyay ee halkaasi ku sugnaa.

Ugaas Cismaan oo hadal kooban jeediyey ayaa sharaxaad ka bixiyey ulajeedka ay u tageen magaalada Baladweyne, tilmaamayna inuu ku faraxsan yahay shirka ka socda magaaladaasi.

“Markaan dhinac walbo aan eegay waxaa ii soo baxday shirka uu Ugaaska ku dhawaaqay inuu muhiim yahay, waliba 25 sano kadib dib u heshiisiin la galo” ayuu yiri Ugaaska.

Sidoo kale Ugaas Cismaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in shirka maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan gogoshiisa dib loogu soo celiyo magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News