U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Digey Xiisadda Tukaraq Ee Puntland Iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Puntland ayaa walaac ka muujiyey xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, xilli lasoo sheegayo in halkaasi ay ka jirto xiisad colaadeed.

Nabadoon C/raxmaan Jaabiri oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in maamullada Somaliland iyo Puntland ay kala hoggaaminayaan dad uu ku sheegay daneysato, doonayana iney laayaan shacab Soomaaliyeed oo aan wax galabsan.

Waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland iyo Puntland yihiin kuwo walaalo ah, balse Labada maamul ay dano kale wataan oo ay shacabka ku dhibayaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aniga waxaan aamisanahay in dad walaalo ah ay wada joogaan Tukaraq, tan kale dadka Somaliland iyo Puntland waa walaalo is dhex socda, laakiinse madaxda Labada dhinac waa kuwo dantooda eegaya oo daneyste ah” ayuu yiri Nabadoon Jaabiri.

Ugu dambeyn, Nabadoon C/raxmaan Jaabiri ayaa sheegay in haddii dagaallo ay dib uga bilowdaan deegaanka Tukaraq ay mas’uuliyaddooda qaadi doonaan ciddii bilowda.

Xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ayaa laga soo sheegayaa iney dib uga soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Goobjoog News