U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Hor Yimid Dib u Dhigista Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Nabadoon Yaasiin Gaani oo ag Afhayeenka odoyaasha dhaqanka ee Mudug ayaa sheegay iney aad uga xumaadeen in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in ka waxgarad ahaan ay aad ugu niyad fiyoobaayeen in doorashada ay dhacdo 30-ka April oo maanta ku beegan, balse ay niyad jabeen markii ay maqleen in dib loo dhigay.

“Ma wanaagsaneyn iney dib u dhacdo doorashada, Galmudug dowlad qadiim ah bay ahayd, waxay ahayd in degdeg dowladda lagu dhiso markii uu is casilay madaxweynihii hore ee Galmudug, dadku waa uu iska howlo badan yahay dowladda Federaalka waxay jeceshay dadku inuu is raaco, balse waxay ahayd in doorashada aan waqtigii loo ballamay dib looga dhigin”

“Haddii aan nahay Odoyaasha Galmudug waxaan u aragnaa wax qaldan in dib loo dhigo doorashada, waxaan jeclayn in waqtigii la ballamay doorashada ay dhacdo, hadane waxaan kaloo kasii cabsaneynaa in muddo kale la qabto” ayuu yiri Nabadon Yaasiin Gaani.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa Sabtidii shalay ku dhowaaqay in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha Galmudug, lagana dhigay 3, May 2017.

Goobjoog News