U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Qeylo Dhaamiyey Abaarta Gedo

Sheeko:Dalka

Gobolka Gedo waxaa ka jira abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, iyadoo abaartan ay guud ahaan saameysay gobolkaasi.

Waxgaradka Gedo ayaa ku baaqaya in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka iyo duunyada ku nool gobolkaasi , iyadoo hadda ay ugu daran tahay biyo la’aanta.

Nabadoon Maxamed Xasan Yarow oo kamid ah waxgaradka gobolka Gedo ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya, Jubbaland iyo sidoo kale hay’adaha samofalka ah in gurmad dhan walbo leh la gaaraan gobolkaasi.

“7 degmo ee gobolka Gedo guud ahaan abaar baa ka jirta inkastoo abaarta ay kala daran tahay, waxaa jirta biyo la’aan, raashiin la’aan, waxay dadku u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh, dowladda Soomaaliya, Jubbaland iyo hay’adaha samofalka ah waxaan ka rabnaa in gurmad keenaan gobolka” ayuu yiri Nabadoon Maxamed.

Qeybo kamid ah gobollada dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxayna dadka u baahan yihiin gargaar dhan walbo leh.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada