U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Qeylo Dhaamiyey Abaarta Sool Iyo Sanaag

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ka qeylo dhaamiyey abaarta baahsan ee ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo saameeyey dadka iyo duunyada.

Garaad Maxamuud Cismaan oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaaladda ay tahay mid aad uga sii dareysa, islaamrkaana gurmad la isku haleyn karo aanu jirin.

Waxa uu sheegay Garaadka in hadda ay u baqanayaan in dadka ay u dhammaadaan harraad, haddii aaney gurmad degdeg ahna helin wuxuu sheegay in xaaladda ay ka dareyso meesha ay hadda joogto.

“Abaarta wey sii xoogeysatay, ilaahay ayaa umaddaan ka saari kara abaartan, waxaa loo baahan yahay in dadka lala soo gaaro gurmad rasmi ah, meel meel dhaanta ma jirto” ayuu yiri Garaad Maxamuud.

Ugu dambeyn Garaad Maxamuud Cismaan ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah iney gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah lasoo gaaraan shacabka abaarta ku hayso gobollada Sool iyo Sanaag.

Goobjoog News