U bood dhigaalka

Waxgarad Ku Eedeeyay Dowladda Federaalka Ka Gaabinta Wax Ka Qabashada Biyo La’aanta Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobolka Hiiraan qaarkood ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in xilligaan ay ka gaabisay wax ka qabashada abaarta ka jirta deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan, iyadoo ay ugu daran tahay Biyo la’aanta ka jirta deegaannada uu maro Wabiga Shabelle.

Xaaji Shaahid Aadan oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in xukuumaddu ay noqotay mid aan fulin hankii ahaa in ay wax ka qabato abaarta gobolka Hiiraan.

“Dalka waxaa ka jira abaaro dhibaato badan geystay, wabigii wuu guray dowladda dhexe waxaa ka dooneynay inay wax ka qabato abaarta, iney bulshadu taakuleyso, iney dadka dhex tagto oo ay wax u qabato, inay ka hadasho taakuleynta iyo horumarinta gobollada, waxaad moodaa inay ka gaabisay dhammaan arrimahaan aan soo sheegnay” ayuu yiri Xaaji Shaahi.

Sidoo kale qaar kale oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in dowladda Federaalka ay degdeg wax ugu qabato dadka biyo la’aanta iyo gaajada ku hayso gobolkaasi.

Wabiga Shabelle oo biyo yareeyay ayaa saameyn xooggan waxa uu ku yeeshay dadka iyo duunyada ku dhaqan dhammaan gobollada uu maro Wabiga.

Goobjoog News