U bood dhigaalka

Waxgaradka Cadaado Oo Go’aan Ka Gaaray Isbaarooyinka

Sheeko:Dalka

Waxgaradka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa go’aan ka gaaray Isbaarooyinka soo noqnoqday ee yaalla deegaanno kamid ah gobolka Galgaduud.

Ugaas Salaad Rooble oo kamid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in go’aan mid ah laga qaatay isbaaro walba oo qaab sharci darro ah lacag looga qaado gaadiidka dadweynaha, kaasi oo ku aadan in gabi ahaanba la qaado.

Waxa uu sheegay Ugaaska in waxgaradkood iyo  culimada ay isku raaceen in  gabi ahaanba meesha laga saaro isbaarooyinka, shacabkana ay si nabad ah isaga kala gudbaan deegaannada Galmudug.

“Waan soo dhoweynaa, waxaan go’aan ku gaarnay inaan qaadno isbaarooyinka sharci darrada ah ee dadka lagu dhibaateenayo, waana wax la sugayey muddo badan” ayuu yiri Ugaas Rooble.

Dhanka kale Ugaaska oo hadalkiisa sii watay ayaa ku eedeeyay maamulka Galmudug in uu ku guul dareystay wax ka qabashada Isbaarooyinkaan, wuxuuna sheegay in markaan aan loo dulqaadan doonin shacabka oo lagu dhibaateeyo isbaaro.

Deegaanno kamid ah gobolka Galgaduud waxaa yaalla Isbaarooyin sharci darro ah, lacago kala duwanna looga qaado gaadiidka safarka ah, taasi oo cabasho ay ka keeneen shacabka halkaasi ku safra.

Goobjoog News