U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Mudug Oo Ka Hadlay Suurtagalnimada Dhismaha Dekadda Garacad

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa aragti kala duwan ka dhiibtay qorshaha maamulka Puntland uu ku doonayo inuu dekad kaga dhiso deegaanka Garacad ee gobolkaasi.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda waqooyiga Gaalkacyo ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in muhiim ay tahay dhisme dekadeed balse hadda aanay jirin dowlad ama hay’ad taageero ku bixineysa arrintan.

Waxaa uu tilmaamay in dadka shacabka ah ay isku tashanayaan oo iyagu ay bixinayaan dhaqaalaha lagu hirgelinayo dekad ay yeelato Garacad, isagoo xaqiijiyay in madaxda sare ee dowladda ay weydiisteen dalab ah in dekaddaasi loo dhagax dhigo islamarkaana Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu ka aqbalay markii Puntland uu booqasho ku tagay dhowr bilood ka hor laakiin iminka qorshaasi uu noqday mid Puntland ay ku gacan seyrtay.

“Kolley Garacad in dekad laga dhiso ama laga dhagax dhigo waa wax mar hore laga shaqeynayey, balse shalay ayeey suurtagashay, waxaana dhismaha dekadan iska kaashan doona shacabka iyo dowladda Puntland” ayuu yuru Nabadoon Yaasiin.

Dhanka kale, Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo isna ka mid ah waxgaradka Waqooyiga Gaalkacyo (Galmudug) ayaa isna dhankiisa sheegay iney aad usoo dhoweynayaa in dekad laga dhiso Garacad, ayna tahay horumar weyn oo uu gobolku ku tallaabsanayo.

Nabadoon Alloore ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in marka hore xoogga la saaro gobollada aan heysan dekadaha uu uu ka carrab dhabay Galmudug iyo Hirshabeelle.

“Waa horumar aad u wanaagsan in dekado laga dhiso gobollada dalka, si gaar ah Mudug, dowladda federaalkana waa in ay xoogga saartaa sidii dekado looga dhisi lahaa gobollada aan haysan dekadaha sida Hirshabelle iyo Galmudug” ayuu yiri Nabadoonka.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay wuxuu deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ka dhagax dhigay dekad cusub oo deegaankaasi laga dhisayo.

Goobjoog News