U bood dhigaalka

Waxgarad Ka Hor Yimid Wareegto Kasoo Baxday Maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Baydhabo qaarkood ayaa waxay ka hor yimaadeen wareegto dhawaan kasoo baxday maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo lagu magacaabay gudoomiyahaasha gobalka Baay iyo magaalada Baydhabo.

Nabadoon Ibraahim Macalin Cali oo ka mid ah waxgaradkani ayaa sheegay in wareegtadaasi ahayd mid lagu degdegay, islamarkaana aan lagala tashan waxgaradka Koonfur Galbeed.

“Dhawaan maamul ayaa loo sameeyay Baydhabo iyo Baay, waxaana u aragnaa in ay tahay mid lagu degdegay, waayo dadka sidii loogu tala galay waxba looguma qeybin, waxaana u aragnaa hadii aynu nahay Odayaasha Koonfur Galbeed in magacaabista Madaxweyne Shariif Xasan mid loo maray waddo aan ahayn midii ugu habooneyd” ayuu yiri Nabadoon Ibraahim.

Dhinaca kale Nabadoonkaan ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu dib ugu laabto dhismaha maamulada cusub ee gobalka Baay iyo magaalada Baydhaba.

Waxaa sidoo kale jira waxgarad ku dhaqan magaalada Baydhabo oo iyaguna la dhacsan hanaanka loo soo magacaabay maamuladaan, iyaga oo ku bogaadiyay madaxweynaha Koonfur Galbeed in sidaan iyo si la mid ah uu usoo dhiso maamulada kale.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada