U bood dhigaalka

Waxgaradka Mudug Oo Ku Baaqay Joojinta Dagaallada Kasoo Cusboonaaday Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Mudug, kana soo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah waxay ugu baaqeen in la joojiyo colaadda kasoo cusboonaatay gobolkaasi, taasi oo u dhaxeysa Maleeshiyaad Labada dhinac ah.

Nabadoon Cali Xuseen oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaalladan soo noq noqday.

Wuxuu sheegay in ay filayeen iney nabad dhacdo, balse ay nasiib darro tahay in mar kale la dagaallamo.

“Annaga waan ka xunnahay dagaalladan dib uga bilowday gobolka, iyadoo la ogyahay cidda bilowday iyo meelaha laga hurinayo, balse waxaan leenahay hala joojiyo, nabad wax ka wanaagsan maleh” ayuu yiri Nabadoonka.

Nabadoon Cabaas Cabdi Diiriye oo isna kamid ah waxgaradka kasoo jeeda dhanka Puntland ayaa Goobjoog u sheegay in ka waxgarad ahaan ay ku dedaalli doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolka Mudug.

“Annaga markii horeba nabadda waan ka shaqeyneynay, hadana diyaar baan u nahay, waxaan ka xunnahay in laga dhex shaqeeyo dadka walaalaha oo dagaalkaan lasii huriyo” ayuu yiri Nabadoon Cabaas.

Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan, iyadoo weli la dareemayo xiisad ka dhalatay dagaalkaasi.

Goobjoog News