U bood dhigaalka

Wejiga Labaad Ee Shirka Maamul u Sameynta Mudug Iyo Galgaduud Oo Cadaado Ka Furmaya

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in wajiga labaad ee shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud uu ka furmo degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Wararka saaka ka imaanaya magaaladaasi ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka soconayaan diyaar garoow ballaaran oo loogu jiro sidii shirkaasi uu u furmi lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, masuuliyiin kale iyo guddiga farsamada ayaa ku sugan Cadaado, kuwaas oo u jooga in ay ka qeyb qaataan furitaanka wejiga Labaad ee shirkaasi.

Madax sare oo dowladda ka tirsan ayaa la filayaa in ay tagaan maanta degmada Cadaado si ay u furaan shirkaasi, waxaana soconaya diyaar garowga iyo kulamo horudhac ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaa la kulmay guddiga farsamada iyo odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan shirkaan iyo habsami u socodkiisa.

Weli waxaa jira beelo iyagu ka cabanaya saami qeybsiga beelaha iyo hanaanka ay dowladdu wax u wado  kuwaas oo ku sugan degmada Cadaado.

Dhinaca kale shalay waxaa degmada Cadaado gaaray wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, isaga oo kulamo la qaatay mas’uuliyiin halkaasi ku sugan.

Goobjoog News