U bood dhigaalka

WFP: Sanadkii hore 53% Cuntada aan Soomaalida Siinnay Waxay Ka Timid Ukraine

Sheeko:Dalka
Hey’adda cuntada adduunka WFP ayaa sheegeysa in 53% cuntada ay sanadkii hore keentay Soomaaliya ay kasoo qaateen Ukraine. Hey’adda ayaa intaas ku dartay in mar haddii uu dalkaasi dagaal ka socdo, isla markaana ay xiran tahay dekadda Odesa, Ukraine ay ku keeni doonto Soomaaliya sareukac xagga raashiinka ah gaar ahaan burka iyo digirta.
Qaramada Midoobey waxaa ay sheegeysaa in afartii qof oo Soomaali ah uu mid ka mid ah wajahayo baahi abaarta darteed taasi oo ka dhigeysa in 4.6 million oo Soomaali ah aaney heysan doonin cunno ku filan May 2022.
Sida lagu sheegay qoraalka UNka, ilaa hadda lacagtii loo baahnaa si arrimahan iyo xaaladda banii’aadnimo wax looga qabto waxaa la hayaa 3.2% ($47.1m) halka laga la rabay in la helo ($1.5bn). Koonfurta Soomaaliya waxaa ay dadka soo galeen goobaha barakaca, iyada oo la arkayo xoolo badan sida ariga, lo’da iyo dameeraha oo u geeriyooday biyo la’aan.
Goobjoog News
Mawduucyada:Gobollada