U bood dhigaalka

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, ayaa sheegaya in xalay gudaha magaalada lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayay Cabdi mahad Cabdullaahi, waxaana uu kamid ahaa dhalinyarada ku shaqaysata moota Bajaajta.

Dilka wiilka ayaa waxaa ka dambeyay mid kamid ah ilaalada hotel ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Ciidamada ammaanka ayaa markii dambe gacanta ku dhigay ninkii ka dambeyay dilka wiilka, waxaana sidoo kale la sheegay in wiilka la dilay uu kamid ahaa ardaydii sanadkaan ka qalin jabisay dugsiga sare.

Illa iyo hadda laammaha ammaanka faahfaahin kama aysan bixin dhacdadaa, waxaana weli socda baaritaanno ku aaddan sida uu dilka u dhacay.

Goobjoog News