U bood dhigaalka

Wiil Dhallinyaro Ah oo Hal-abuur Saliid Qumbe uu Soo Saaray Suuq-geyn u Raadinaya

Sheeko:Dalka

Cabdiraxmaan Cilmi Afrax waa wiil dhallinyaro Soomaali ah oo hirgaliyay hal-abuur gacansi oo aan horay uga jirin dalka, maskaxdiisa ayey ku dhalatay yaraan-tiisii balse uma aysan suurto galin xiligaas, fikirkii uu ku taami jiray waxaa uu hirgalyay shirkad soo saarto nooca saliida ee loo yaqaan Qumbaha, oo siyaabo dhowrah loo isticmaalo .

Ugu horeyn Cabdiraxmaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey shirkadiisa Shalambood Coconut, saliidda uu soo saaray iyo waxa ay ka sameysan tahay  ” Saliidaan waa saliid Qumbe dabiicii ah oo lagu sameeyo dalka, waxaana ay ka mid tahay saliidaha la isticmaalo waxyaabo kala duwan waa loo adeegsada sida in timha lamariyo, jirka, iyo raashinka lagu kariyo, balse tinta ayey aad ugu fiican-tahay”.

Sidoo kale Cabdiraxmaan oo hadalkiisa siiwato ayaa ka hadalay waqtigii uu ku dhashay fikirkaan uu ku soo saaray Saliidda dabiiciga ah waxaana uu yiri ” fikirkaan labo jeer ayuu igu dhashay mar anoo yar laakiin xiligaas waxbo kama aan qaban karin sababtoo ah aad ayaan u yaraa, balse 2018-dii ayaan bilaabay inaan ka miro-dhaliyo, kadib markii aan ka daawaday Internet-ka Gabar hadleyso faa’iidada ay leedahay saliid Qumbaha iyo xoggo ku saabsan dad isticmaalay sidaas darteed waxaan bilaabay inaan tijaabiyo aan sameeyo waxaana u qeeybiyay dadka guriga ila dagan iyo dariska waana ku guuleeystay fikirkaas”.

Dhanka kale waxaa uu ka sheekeeyey waxyaabaha ay saliiddaan kaga duwan  tahay saliidaha kale waxaana uu yiri “waxyaabo fara-badan ayey kaga duwan tahay saliidaha kale waayo waa mid dabiici ah oo aan wax kiimiko ah laheyn waana saafi marka loo fiiriyo kuwa kale sida ay warshadda uga soo baxdo ayaan u iibinaa, xitaa haddii kuwa kale oo dibadda laga keeno la-waayo midaan dhulkaaga ayaa ka helee marwalbe. sidoo kale saliidaan waxan u dhoofinay dalalka Hindiya iyo Bangaaladhesh waxaana lasoo marsiiyay laab waana ku geeysanay tijaabdaas wax saameeyn ah malahan bini aadamkana waa ay isticmaali karaan”.

Dhinaca kale Hooyo Xabiibo oo ka mid ah dadka isticmaalay saliidda uu saaro Cabdiraxmaan ayaa ka warbixisay waxtarkeeda waxaana ay tiri ” Saliidaan waa saliid fiican oo ku wanaagsan in tinta la-mariyo qurux ayeyna ka dhigee waana korinee sidoo kale madoow ayey ka dhigee, xitaa waxay u fiican tahay madax xanuunka, oo haddii aad marsato madaxa kuma xanuunaayo waana u bognay haddan nahay dumarka”.

Ugu dambeyn waxaa uu tilmamay faaiidooyinka ay leedahay waxaana uu sheegay in faaiido badan Dumarka ay u leedahay ” Saliidaan waa saliid fiican oo ku wanaagsan in tinta la-mariyo qurux ayeyna ka dhigee waana korinee sidoo kale madoow ayey ka dhigee, xitaa waxay u fiican tahay madax xanuunka, oo haddii aad marsato madaxa kuma xanuunaayo waana u bognay haddan nahay dumarka”.ayuu hadalkiisa kusoo gababayey.

Liibaan Cabdi Warsame

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada