U bood dhigaalka

William Ruto oo Ku Guuleystay Doorashada Kenya

Sheeko:Dalka

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha dalka Kenya ee lagu magacaabo (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto madaxweyne ku-xigeenkii dalkaas uu ku guuleystay  doorashada madaxwenaha, isaga oo ka guuleystay Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas, Raila Odinga, kadib markii ay soo gabagabowday tirinta codadkii ay dhiibteen shacabka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub ee lasoo doortay ee Kenya, waxaana uu ku guulaystay cadad dhan  50.4% codadkii la dhiibtay, Wuxuu musharraxii la tartamayay uu  helay  48.8% codadkii ay dhiibteen shacabka Kenya ee lagu soo doornayay madaxweynah shanta sano ee soo aadan.

Madaxweynaha la doortay William Samoei Ruto oo guushiisa ka hadlay, kadib doorashada ayaa sheegay in ‘dhammaan awoodda madaxbanaani waxay u sugnaatay shacabka Kenya’ isla markaana uu ka shaqeyn doono sidii dalka horey loogu sii wadi lahaa, xilli uu la hadlay shacabka dalkaas, kadib markii lagu dhawaaqay doorashada guud ee dalkaas.

Kenya ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay rabshada, kadib markii hoggaamiyaha laga adkaaday uu ku qanci waayay natiijada doorashada, taas oo gaartay heer shacabku ay gacmaha iskula tagaan iyaga oo kala taageeraya labada dhinac, waxaana la ogeyn Raila Odinga inuu aqbalayo najiijada soo baxday ee uu shaaciyay guddiga doorashooyinka dalka dalkaas ee (IEBC) .

Goobjoog News