U bood dhigaalka

William Ruto: wax kasta oo ka dhaca Itoobiya waxay ku xiran yihiin Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, oo waraysi siiyay FRANCE 24’s, ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda dalk Itoobiya ee u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo jabhadda Tigrayga.

Ruto ayaa ugu horeyn walaac ka muujiyya xaaladda abaaraha geeska afrika ka taagan, waxaana uu sheegay in ay tahay abaartii ugu xumeyd ee la arko muddo 40 sano kadib ah, waxaana uu xusay in dalkiisa oo qura ay 3.1 milyan qof ay wajahayaan abaartii ugu xumayd.

“Tani hadda ma ahan tartan waddan-gobol ah. Tani waxay noqonaysaa caqabad dhinacyo badan leh,” ayuu ku adkaystay, isagoo ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo bixiyeyaasha amaahda inay taageeraan,” ayuu yiri Ruto.

William Ruto ayaa ku eedeeyay isbadalka cimilada inay sabab u tahay abaarta balse waxa uu carabka ku adkeeyay in xaalada ay uga sii dartay dagaalka ka socda Ukraine iyo hoos u dhaca ku yimid dhoofinta badarka ee Afrika.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wax laga waydiiyay dagaalada ka socda dalka Itoobiya, ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo TPLF.

“wax kasta oo ka dhaca Itoobiya waxay ku xiran yihiin Kenya” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

“waa inaan awoodno inaan dhinacyada keeno miiska wadahadalka fursadda ugu macquulsan.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Ruto, ayaa sidoo kale ka hadlay dagaallada ka socda dalka Soomaaliya, oo uu sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya xilliga ay dib ugu soo noqonayaan dalkiisa.

“Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda marka ay dhammeeyaan howsha aan u hayno Soomaaliya”.ayuu yiri Ruto.

William Ruto, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu rajo wanaagsan ka qabo in mar dhaw alshabaab laga saaro Soomaaliya.

Sikastyaba hadalka madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa waxa uu ku soo aaday xilli uu dhawaan u magacabay Ergayga Nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Itoobiya.

Goobjoog News