U bood dhigaalka

Xaalad Adag Oo Dhanka Nolosha Ah Ayaa Laga Soo Sheegayaa Degmada Ceelwaaq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in xaalad halis ah oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday dad u badan barakacayaal oo ku sugan degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi,  Sahal Macallin Axmed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in hadda ay jirto biyo la’aan, cunno yari iyo daryeel caafimaad intaba.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in maamulkooda aanu awoodin inuu wax u qabto dadkaan oo tiradoodu uu ku sheegay iney ka badan yihiin 800 oo qoys.

Dadkan xaaladdan adag haysato ayuu sheegay iney u badan yihiin dadkii dib uga soo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

“Run ahaantii dadkaan waxbo ma haystaan, waxay ku  noolyihiin nolol bini’aadannimo tii ugu darneyd, Jubbaland, dowlad dhexe iyo hay’ad Samofal masoo gaaraan, Al-shabaab ayaa dadkii go’doomiyey amnine ma jiro” ayuu yiri Sahal.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Ceelwaaq ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in gurmad degdeg ah ay lasoo gaaraan qoysaska ku dhibban degmadaasi.

Goobjoog News