U bood dhigaalka

Xaaladda Abaareed oo Daran ayaa Saamaysay Dadka reer Miyiga ah ee Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Deegaano hoos yimaadda degmada Ceel-Afwayn ee gobolka Sanaag  ayaa dadka xoola dhaqatada ah ku haysata xaaallad abaareed oo daran.

Xoolo kabadan illaa 4 kun oo Adhi ubadan ayaa haraad ugu dhintay deegnno ay kamid yihiin Boodacade, Aadan kudin, hoosa ayn Iyo Ceel Qooxle, oo kuyaalla gobolka Sanaag.

Cabdi Ismaaciil Cali waxaa uu kamid yahay dadka degen Boodacede wuxuuna Sheegay in Dadku Qarka u saaran yihiin inay xoolaha Iskaga tagaan markii ay biyo Iyo baad u waayeen xoolaha oo meel kasta ay daadsan yihiin. Iyadoo halkii foosto ee biyo ah uu gaaray illaa 150 kun oo Shilin So. ah.

“Gugii dhawayd lama helin, dayrtii labaadna lama helin, xoolihii hadda waa laga quus gaaban yahay qofkii wax hayayna Saddex meelood oo halmeel buu hayaa, meeshuna rajaba ma leh aadbaa looga deyrinayaa oo la leeyahay, xoolihii biyana looma keeni karo daaqna looma hayo, meeshuna ceelna ma leh, barkadana ma leh, xoolaha dadka qaarkood iney ka tagaan baa macquul ah”, ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Cali.

Cabdi Ismaaciil Ayaa intaasi ku daray waxaan ku nool nahay in marba qofkii haysta neef la qalan karo laga qaato oo la qaybsado. haddii ay xaaladdu sidan sii ahaato duunyo nool looguma imaanayo halkan. dadku inay cayrtoobaan ayay qarka u saaran yihiin.

Ugu dambeyn, dadka Tuuladan Boodacade ayaa ku baaqaya in lala soo gaaro biyo dhaan degdeg ah in aan xaaladdu sidan ka sii xumaan dadbanna ku cayrtoomin.

Goobjoog News