U bood dhigaalka

Xaalado Adag Oo Ka Taagan Degmada Waajid

Sheeko:Dalka

Degmada Waajid ee gobolka Bakool waxaa ka jirta abaar dadka iyo duunyada saameysay taasoo maamulka degmadaasi uu ka qeylo dhaamiyay.

Degmada Waajid ayaa qiyaastii waxa ay caasimadda Muqdisho u jirtaa 300km dhanka waqooyi Galbeed waxaana dadka xilligani ku adag inay helaan waxay cunaan iyo waxay cabaan.

Guddoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi Aadan Yariisow ayaa sheegay in qoysas badan ay saameysay abaarta degmada Waajid ka jirta isagoo tilmaamay in dadku u baahan yihiin gurmad beni’aadanimo.

Dhanka kale, guddoomiyaha Waajid ayaa Goobjoog News faahfaahin ka siiyay howlgallo ciidanku ka wadaan degmadaasi iyo hareeraheeda iyadoo meelo u dhow Waajid ay warar madaxbannaan sheegayaan inay ku sugan yihiin Xarakada Alshabaab.

“Degmada muddo sanado ah ayaa ay xiran yihiin waddooyinka degmadani Waajid waxaana saameyn ay ku yeelatay qoysas badan oo degmada deggan.

Dowladda iyo beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay gargaar beni’aadanimo la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan degmadaasi Waajid ee gobolka Bakool.

Goobjoog News