U bood dhigaalka

Xabad Joojin La Kala Dhex Dhigay Beelihii Ku Dagaallamay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xabad joojin la kala dhex dhigay beelihii dhawaan ku dagaallamay magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha gobalkaasi Cabdullaahi Cali Aadan oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in Labadii dhinac ee ku dagaallamay magaaladaasi ay ka dhaadhiciyeen in xabadda ay joojiyaan, islamarkaana ay taasi aqbaleen.

“Waan ku guuleysannay in Labada dhinac la xiriirno walibana ay xabadda joojiyaan, waxaa kaalin ka qaataan howshaan aan qabannay saraakiisha ciidamada xoogga dalka, abaanduulaha ciidamadaasi, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Odayaal kale, waan u sheegnay in dagaal faa’ido aanu lahayn in shacabka dhibaato soo gaarto mooyee, waxaan kaloo u sheegnay in loo baahan yahay in shacabka loo turo, lana joojiyo xabadda” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Shabellaha Hoose Cabdullaahi Cali Aadan ayaa tilmaamay in maanta ama berri magaalada Marka ay ku wajahan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka kuwaasi oo kala dhex gali doona dinacyadii dagaallamay.

“Ciidamo ayaan u diraynaa magaalada Marka, gaar ahaan beelihii dagaallamay, wey kala dhex gali doonaan, maanta ama berri insha Allaha wey ku wajahan yihiin magaaladaasi” ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha.

Afar Maalin oo xiriir ah waxaa xaafado ka mid ah magaalada Marka ka socday dagaal u dhaxeeyay beello walaalo oo halkaasi wada deggan, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed isugu jira.

Goobjoog News