Xaliimo Ibrahim(Yarey) Oo Ka Hadashay Diyaar-garowgooda, Xiritaanka Xafiisyadooda Puntland iyo Jubbaland & Xibsiyo La Diiwaan-geliyey

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey), guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta waxaa ay kulankii billaha ahaa la qaaday wakiillada beesha caalamka sida qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afika  iyada oo u sharaxday sharciga doorashada ee uu madaxweynaha saxiixay 20-kii bishan, Puntland iyo Jubbaland oo ishortaag ku sameeyey shaqada xafiiska guddiga, tababarro la sameeyey iyo xisbiyo cusub oo la diiwaangeliyey.

Kulanka oo ay wada shir guddoominayeen  Raisendon Zenenga oo ah ku-xigeenka ergayga Q.M ee Soomaaliya ayey ugu horreyntii, guddoomiye Xaliimo Yareey waxaa ay sharaxday waxa uu ka dhiganyahay saxiixa madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee sharciga doorashada iyada oo tiri “ Saxiixa sharciga doorashada waxaa uu ahmiyad u leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo hagid iyo taageero la garab taagnaa hannaanka dimiqoraadiyadda toboneeyo sano” iyada oo intaas raacisay “ Sharcigan cusub waxaa codbixiyaha Soomaaliyeed siin-doonnaa xaq iney doortaan siyaasigii matali lahaa taas oo ay aheyd xuquuq ka maqneyd shacabka Soomaaliyeed 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha waxaa ay sheegtay inta aan la saxiixin sharcigan iney kullamo kala gaar ah la qaadatay madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka, guddiga arrinka loo xilsaaray iyada oo kala hadashay arrimaha farsamo ee aan lagu gorfeyn labada aqal taas oo ka hor istaagi karta guddiga iney qabtaan doorasho xor oo xalaal ah 2020-ka. Waxaa kale oo walaac ka muujisay in baarlamaanka uu xirmay kalfadhigiisa iyada oo aan la anisixn waxka bedalka sharciga xisbiyada taas oo hadda dib ugu dhici-doonta April marka ay 2-bada aqal noo noqdaan.

Dhanka kale, Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey), guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa ay beesha caalamka kala hadashay tallaabo ay dhowaan xafiiska guddiga ay ku xireen maamullada Puntland iyo Jubbaland iyada oo tiri “Go’aankooda waxaa uu ku lug lahaa is afgaranwaa siyaadeed ee u dhaxeeyey dowladda federaalka ah iyo labada dowlad goboleed.

Waxaa kale oo ay ka hadashay booqashooyin ay ku tagtay maamul goboleedyada koonfur galbeed, Hirshabele iyo Galmudug labadii todobaad ee ugu dambeysay iyada oo ujeedka ku sheegay inuu ahaa xoojinta xiriirka guddiga iyo maamul goboleedyada iyo in loo sheego diyaar-garowga guddiga ee doorashada 2020-ka, dhankooda 3-da madaxweyne waxay balanqaadeen in doorashada deegaanadooda ka dhici-doonto 2020-ka.

 Ugu dambeyntii, Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey) waxaa ay beesha caalamka u sheegay iney diiwaan-geliyeen  ilaa 4 xisbi oo cusub, taas oo ka dhigeysa tirada xisbiyada sida KMG ah u diiwaangeshan ilaa 76 xisbi.

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW