U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo Isimada Puntland kulan la qaatay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulama la qaatay qaar kamid ah waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka maamulka Puntland.

Xasan Sheekh ayaa madaxtooyada Puntland ee Garowe, ku qaabilay Isimada iyo dhaqanka maamulka Puntland, waxaana kulankaas looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo horumarinta hanaanka dowladnimada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya .
“Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya .