U bood dhigaalka

Xeer ilaalinta oo Maxkammadda u gudbisay dacwad ka dhan Kiis Maaliyadeed ka dhacay Premier Bank

Sheeko:Dalka, War

Xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka, qaybtiisa danbiyada maaliyadda ayaa maxakmadda gobalka Banaadir u gudbiyay dacwad ka dhan ah bangiga Premier Bank.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in ay muddooyinkii la soo dhaafay ay baaris ku hayeen dacwad ka dhan ah kiis maaliyadeed oo ka dhacay Premier Bank, kaas oo ay ku eedeysan yihiin afar qof oo kamid ah shaqaalaha bangiga.

War ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaga guud ee qaranka ayaa lagu sheegay in dacwaddaan uu u gudbiyay maxkamadda gobalka Banaadir.