Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta gebi ahaanba suuqii magaaladaasi uu xirmay kadib markii  saansaan colaadeed laga dareemay magaalada.

Suuqa Darxumo iyo kan cirtoogtaha ayaa jirin wax shaqo ah oo maanta ka socoto waxaana isku muuqda ciidamo kala taabacsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Wariyaha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in magaalada Gaalkacyo colaadda laga dareemayo ay ka dambeysay kadib markii ciidamada labada maamul ay diideen in baabuurta wada shixnadaha ganacsi ay u kala gudbaan magaalada labadeeda dhinac Koonfur iyo Waqooyi.

Xaaladda kacsanaanta ah ee laga dareemayo Gaalkacyo ayaa sabab u noqotay in magaalada dhan ay noqoto mid looga cabsi qabo inay ka dhacaan iska hor imaadyo.

Maamullada labada dhinac ayaa weli wax faahfaahin ah ka bixin xiisadda dagaal ee magaalada ka taagan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW