U bood dhigaalka

Xiisad Laga Soo Sheegayo Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waqooyiga magaaladaasi ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay halkaasi.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa shaqsi la sheegay in si weyn looga yaqaan magaalada Gaalkacyo oo xabsiga dhigeen ciidanka Puntland.

Maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa tagey xabsiga Gaalkacyo, waxaana ay xireen waddooyinkii laga galayey, iyaga oo sheegay in aanay halkaasi cidna geli karin cid kalena soo bixi karin inta shaqsigan lasoo deynayo.

Shaqsiga xiran ayaa la sheegay in uu soo dacweeyey wasiir ka tirsan Puntland, iyadoo hay’adaha ammaanka Gaalkacyana sheegeen in aanay deyn doonin inta maxkamad laga soo taagayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News