U bood dhigaalka

Xiisad Laga Soo Sheegayo Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa xukuumadda Biixi iyo sidoo kale xisbiga Wadani.

Guddoomiyaha xisbiga Wadani C/raxaan Cirro ayaa shalay ugu yeeray taageerayaashiisa iney maanta isugu soo baxaan dibadbax ka dhan ah xukuumadda iminka talada haysa.

Hay’adaha ammaanka ayaa isla shalayba sheegay in aan la isku soo bixi krin, una arkaan arrintaasi iney tahay mid lagu qal-qalgelinayo amniga.

Sidoo kale ,waxay ciidamada Booliiska ay xabsiga dhigeen xalay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadani, kuwaasi oo kala ah Khadar Xuseen Cabdi, Barkhad Jaamac iyo kuwo kale.

Saakay ayaa lagu waabariistay xaaladda oo ka duwan sidii hore iyo ciidamo badan oo ku sugan xarunta xisbiga Wadani.

Guddoomiye Cirro ayaa goor dhow waxa uu gaaray xaruntan oo ay ciidan badan horjoogaan, isaga oo si xoog ah ku galay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Booliiska awood u adeegsadeen dad halkaasi yimid, rasaas ay fureenna uu Hal qof oo shacab ah ku dhaawacmay.

Xaaladda Hargeysa ayaa ah maanta mid aad uga duwan maalmihii hore ee aynu kasoo gudubnay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News