Xildhibaan Cabdi Xaashi: Dadka Soomaaliyeed isma Necba ee Siyaasiyiinta Ayaa Isku Dira

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga warfaafinta baarlamaanka oo xalay hadal jeedin ka sameeyay xaflad lagu maamuusayay 1 Luuliyo oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aaney is diidaneyn ee siyaasiyiintu ay is diidan yihiin.
Xildhibaanka ayaa sheegay in markii horeba dadka Soomaaliyeed ay mid ahayeen, ka hor inta aan lagu qeybin shirkii Baarliin:
“Dadka Soomaaliyeed mid bay ahaayeen Gumeysiga ka hor, markii Afrika ay qeybsaneen Shirkii Baarliin Soomaaliya 5 baa loo qeybiyay, 5 dal baana kala qaatay, Talyaaniga oo koonfur ah, Ingiriiska oo waqooyi iyo dhulka NFD qaatay, Faransiiska oo Franch Somaliland qaatay, iyo Xabashida oo qeyb qaadatay, qeybtii kumey ekaanin ee mid walibaaba qeybtii uu qaatay ayuu sii kala qeybiyay oo qabaa’il u kala qeybiyay, waxaanuu bilaabay inuu dhaqankooda ku beeraan, taasi waa arrinta keentay dhibaatada ugu weyn ee illaa maanta Soomaali haysata oo ah qabyaaladda”.
Xildhibaanku waxa uu xasuustay labo jeer oo dadka Soomaalidu ay qabiilka naceen dhinacna ay iska dhigeen:
“Labo jeer ayay dadka Soomaalidu qabiil uf yiraahdeen, waa markii 43-dii leego ay soo baxday oo kolkaa dadka Soomaaliyeed xoriyaddii uu qaadanayay 13-kaa dhalinyarada ahi u halgamayeen dadka Soomaaliyeed si weyn buu u taageeray oo qabyaaladda wuu ka baxay. Marka labaad dadka Soomaaliyeed ma jecla, xumaan iyo samaan taariikhdii aynu soo marnay in la xusaa waa lagama maarmaan. Markii dowladda kacaanku ay dhalatay 1969-kii mar labaad ayaa dadka Soomaaliyeed qabyaalad uf yiraahdeen oo diideen”.
Waxa uu xusay in 26 Juun lagu xasuusanayo 2 waxyaabood oo kala ah; tan koobaad in qeyb ka mid ah 5-tii Soomaaliyeed ay xorriyad qaadatay; iyo tan labaad oo ah markii ugu horreysay ee calan Soomaali leedahay la suray. 1 Luuliyana waxaa lagu xasuusanayaa ayuu yiri labo arrimood oo kala ah; tan koowaad in qeyb labaad oo ka mid ah 5-tii Soomaaliyeed ay xorriyadii heleen isla markaana ay is raaceen labadii qeybood ee xorriyadda helay ee Soomaalida.
Xildhibaanka oo midnimada iyo dareenka dadka ka hadlayay ayaa sheegay inaaney dadku is necbayn ee waxa kala fogeynayaa ay yihiin siyaasiyiinta xil doonka ah:
“Soomaalida qaar ayaa ku dooda dadku waa isdilay oo waa la is nacay, dadka Soomaaliyeed isma nicin waa is jecelyahay, laakiin anaga oo siyaasiyiinta ah ayaa is neceb oo xil isku haysta”.
Maalinimadii shalay ayaa guud ahaan dalka waxaa looga dabaal dagay maalinta xorriyadda dalka oo ah maalin qof kasta oo Soomaali ah qiima weyn ugu fadhida, astaanna u ah xorriyadda iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Goobjoog News