U bood dhigaalka

Xildhibaan Galmudug Oo Madaxweyne Xaaf Ku Eedeeyay Hareermarka Dastuurka

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ku eedeeyay in uu hareermarayo dastuurka maamulkaasi u yaalla.

Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Aadan oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa ugu horreyn ka hadlay buuq maalmahani kasoo yeerayey xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi.

Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha uu baarlamaankooda hareermariyey heshiisyo badan oo la gaaray iyo sidoo kale in la eego wax ka bedalka howlaha Galmudug.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu saluugsan yahay shirka lagu dhamaystirayo wada hadalkii Galmudug iyo Ahlu Sunna eek a socda Dhuusamareeb.

“Madaxweynaha Dastuurka ayuu baalmaray, waxaa looga baahnaa inuu wax walbo keeno baarlamaanka, balse waxaa muuqata inuu howshiisa iska wato, awooddii baarlamaankana uu isaga qaatay” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanno Galmudug ah ayaa aad u saluugsan hannaanka la isugu daray Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News