U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Daahir Guutaale oo geeriyooday

Sheeko:Dalka

Allaah u naxariisto waxaa dalka Hindiya ku geeriyooday Daahir Xasan Guutale, oo kamid ahaa xildhibaannadii dalka soo maray.

Daahir Xasan Guutale, ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waxaa la soo darsay xanuun, taas oo sababtay in uu u geeriyoodo maanta.

Mas’uuliyiinta dowladda qaar kamid ah ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Daahir Xasan Guutale, oo sidoo kale kamid ahaa waxgaradka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Alle ha u naxariisto aabaheen Daahir Guutaale dhammaanteen samir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo, qabrigana ha u waasiciyo, su’aalaha Alle ha u fududeeyo, isagana Alle agtiisa marti la jecel yahayna ha ka waraabiyo. janno,” ayuu yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaalle oo ah lataliyaha amniga ee ra’iisulwasaaraha ahna wiilka uu dhalay Daahir Xasan Guutaale.

Goobjoog News