U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Oo Baaq u Direy Ganacsatada Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xildhibaan hore C/raxmaan  Jimcaale Cismaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa ugu baaqay ganacsatada ku dhaqan gobolka Hiiraan iney u dhimriyaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Waxa uu Mr. Cismaan sheegay in wax laga xumaado  ay tahay in dalka oo xaalad abaar ah ku jira in hadana meelihii dadku usoo baxsanayeen ee magaalooyinka ahayd ay ka dhacdo sicir barar.

Guud ahaan ganacsatada ayuu sheegay in waajib ka saaran  yahay in shacabkooda ay u naxariistaan si haantidooda u noqoto mid waxtar u leh.

“Ganacatada waxaan leeyahay haloo naxariisto shacabka, sicirbararka hala joojiyo, lacagta yaan dadka laga diidin, dalkii oo abaar ka jirtay haddii shilinkii Soomaaliga ee ay wax ku iibsanayeen la diido waad ogtihiin dhibaatada ka imaan karta” ayuu yiri Cismaan.

Dhanka kale, xildhibaan hore C/raxmaan Jimcaale Cismaan ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle iney ka shaqeeyaan sidii shacabka loogu naxariisan lahaa, sidoo kalena la hakiyo canshuuraha ay qaaddo wasaaradda maaliyadda ee maamulkaasi illaa la horgeeyo baarlamaanka Hirshabelle oo uu soo meelmariyo waxa dadka laga qaadayo.

Goobjoog News