Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Ku Booriyay Maamulladda Puntland Iyo Galmudug Adkeynta Wax Walba Oo Lagu Heshiiyo

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku booriyay maamul gobaleedyada Galmudug iyo Puntland inay adkeeyaan qodob walba oo heshiis ah, si loo helo xasilooni waarta oo ka dhalata magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay xildhibaanka inay aad uga xun yihiin dhib walba oo ka dhacay magaaladaasi, sidoo kalena uu dhankiisa ku baaqayo ka shaqeynta nabadda, xasiloonida iyo is dhexgalka bulshada.

“Hadalkayga waxa uu yahay ilaaliya nabadda, u dhega nuglaada nabadda, la ilaaliyo dhiigga walaalaha isku dhamaanaya, caqli uu taliyo, dhib wax uu tarayo malahan, Odayaasha ku howlanna waxaan leeyahay si dhab ah u gala nabadda, xabadda hala joojiyo, hana la qorsheeyo sidii loo heli lahaa amni waara” ayuu yiri xildhibaanka

Dhinaca kale xildhibaan Shariif ayaa sheegay in madaxda maamul gobaleedyada ee tagay magaalada Gaalkacyo ay aad usii sahlayso in degdeg lagu xalliyo khilaafyada jira, meelna la’isugu keeno cid walba oo wax kala tabaneysa.

Waxaa meel wanaagsan maraya wada hadalka laga dhex wado maamullada Galmudug iyo Puntland, ka dib markii ay ku dagaallameen magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply to cialis coupon cvs Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW