U bood dhigaalka

Xildhibaan Lagu Dilay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/xakiim Macallim Daahir kaasi oo la sheegay markii la dilayey in uu horfadhiyey Hotel Classic oo ku yaallo Gaalkacyo.

Kooxaha dilka geystay ayaa waxay ku hubeysnaayeen Bastoolado iyaga oo goobta ka baxsaday dilka ka dib.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka Xildhibaan C/xakiim Macallim Daahir oo ka tirsanaa Xildhibaannada maamulka Puntland.

Goobjoog News