U bood dhigaalka

Xildhibaan Nacnac “Puntland Haddii Ay Nasoo Weerarto Garoowe Ayaa Laga Qixi”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in xilligaan aanay dhankooda ogoleyn dagaal dib uga dhaca deegaanka Tukaraq.

Waxa uu xildhibaankan oo la hadlay Goobjoog News uu sheegay in Somaliland ay haysato dhulkeeda islamarkaana aanay u socon deegaan kale ama deegaanno ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay is difaaci doonaan haddii uu weerar kaga yimaado dhanka maamulka Puntland.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in ay qabsan doonaan Garoowe haddii Puntland ay weerarto deegaannada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirro ka tirsan Puntland oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas uu amray in lasoo xiro xuduudaha maamulkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News