Xildhibaan Sharmaake ”Madaxweyne Waare Ha Iska Soo Xaadariyo Baarlamaanka”

Xildhibaan Sharmaake Xasan Ganey oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in madaxweyne Waare ay la xisaabtan dhab ah la sameyn doonaan.

Waxa uu sheegay mudanahan in madaxweynaha Hirshabelle uu ka meermeerayo inuu horyimaado xildhibaannada, iyadoo taasina horey u keentay in mooshin laga keeno.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay haddi uu madaxweyne Waare ka madax adeego inuu baarlamaanka u sheego qorshihiisa shaqo iyo wixii u qabsoomay in mar kale uu imaan doono mooshin, islamarkaana aan la aqbali doonin oday dhaqameed dambe oo ka hor istaaga mooshinkaasi.

“Isla Xisaabtanka wuu socdaa waana sababta aan ugu yeernay madaxweynaha, muxuu ku diidan yahay inuu noo yimaado, madaxweyne Waare ha iska soo xaadariyo baarlamaanka, mar dambe kuma deyn doonno odoyaasha dhaqanka sidii hadda dhacday” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhowaan ayeey ahayd markii xildhibaannada Hirshabelle ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW