U bood dhigaalka

Xildhibaan Xaawo Maxamed: Ma Qabo In Wax Laga Bedalo Xukuumadda

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Xaawo Maxamed Aadan oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegtay ineysan aragti ahaan qabin in xilligaan wax laga bedalo xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxay xildhibaan Xaawo oo la hadashay Goobjoog News, ay sheegtay in waqti xasaasi ah lagu jiro, wax walbana ay ka weyn tahay danta umadda, shacabkana ay xilligaan u baahan yihiin samato bixin, dalkana ay ka jiraan abaaro iyo dhibaatooyin kale oo u baahan in horey loo sii socdo, dibna aan loo noqon.

“Qofku wuu dareemi karaa in xoogaa wax gaabis ah ay jiraan laakiin tan shaqsiga ah iyo mudnaantiisa gaarka ah inuusan fiirin ee uu fiiryo tan umadda mujtamaca Soomaaliyeed  ee maanta baaba’aysa ayaa ka muhiimsan, waxaan leenahay waxyaabahan la isla dabawareegayo inaanu sharciga waafaqsaneen” ayeey tiri xildhibaan Xaawo.

Sidoo kale xildhibaan Xaawo Maxamed ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha uu la tashi sameeyey kahor inta aanu soo magacaabin xukuumaddiisa, balse cid walbo sida ay rabto aaney dhici kareen waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayeey ka rajeysay xildhibaan Xaawo iney meelmariyaan xukuumadda uu soo magacaabo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Xildhibaanno tiradooda ku sheegay 105 mudane ayaa Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ka codsaday inuu dib ugu laabto xukuumaddiisa kahor inta aanu horgeyn golaha shacabka.

Goobjoog News