U bood dhigaalka

Xildhibaannada Hirshabeelle Oo Wada Hadalsiinaya Beelaha Ku Dagaalay Baladweyne

Sheeko:Dalka

Guddi iskugu jira xildhibaano iyo waxgarad ka titsan  Maamulka Hirshabeele ayaa Gaaray magaalada Baledweyne si ay xal ugu helaan Colaada ka soo cusboonatay meelo ka mid ah Gobolka Hiraan.

Xildhibanadan ayaa kulama la qaatay maamulka Gobolka Hiraan iyago oo bilabaya kulamo ay la qaadan doonaan waxgaradka labada dhinaca beelaha Ku dagalamay Gobolka Hiraan degaano ka tirsan.

Xildhibaan Maxamuud Waber oo ah mudane ka tirsan baarlmaanka Hirshabelle ayaan ka wareysanay  xaaladda hadda degaanada lagu dagalamay iyo ilaa hadda waan waanta ay sameeyeen ayaa noo sheegay  in ay kulama hor udhac ay wada qataeen maamulka Gobolka.

Xildhibaan Maxamud waxaa uu dhinacyada dagaalay ugu baaqay inay qataan nabada isla markana la joojiyo hurinta Colaada uu sheegay in dhibaato ay shacabka ka soo gaartay.

Waxaa kale oo Baladweyne gaaray waxgarad ka socdo bulshada deegaanka, si loo soo afjaro dagaal ay ku dhinteen dad aan waxbo galabsan.

Goobjoog News