U bood dhigaalka

Xildhibaannadii Hirshabelle Oo Ku Dhintay Weerarkii Alshabaab Oo La Aasay

Sheeko:Dalka

Waxaa aas qaran loogu sameeyay Qabuuro ku yaallo duleedka Jowhar Xildhibaannko ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabelle,kuwaasi oo lagu dilay weerar shalay ay Al-shabaab  ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen.

Aaska Xildhibaannada ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Cali Guudlaawe, gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle maamulka gobolka Sh/dhexe Xildhibaanno iyo wasiiro.

Xubnahaan ayaa saaladda Janaasada ku tukaday Xildhibaannada geeriyooday, waxaana lagu aasay Qabuuro ku yaallo duleedka Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.

Ugu horreyn goobta aaska waxaa ka hadlay Sheikh Cusmaan Barre oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle waxaa uuna tacsi u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen Xildhibaannada.

“Marka hore waxaan u tacsiyadeyneynaa nafteenna, waxaan kaloo u tacsiyadeyneynaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen marxuumiinta”.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen ayaa ku amray ciidamada ammaanka in ay sameeyaan howlgallo baaritaanno ah laguna baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka xildhibaannada.

“Waxaa laga rabaa ciidamada qalabka sida inay Jawaab ka bixiyaan cidda ka dambeysay falkaan, waa in howlgal laga sameeyaa wadada mar kasta dadka lagu laayo”.

Shalay ayey aheyd markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Xildhibaanno Hirshabelle, waxayna ku dileen weerarkaas 2 Xildhibaan iyo 6 Askari.

 

Goobjoog News