U bood dhigaalka

Xildhibaannadii Shalay Lagu Diley Weerarkii Sh/dhexe Oo Lagu Aasayo Jowhar

Sheeko:Dalka

Xildhibaannadii shalay lagu dilay weerarkii ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowharayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxaa la filayaa in Aaskan xildhibaannadan ay ka qeybgalaan madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale.

Al-shabaab ayaa shalay wadada u galay kolonyo ay la socdeen xildhibaannada kala ah Ismaaciil Muumin Hilowle, Sheekh Daahir Mukhtaar iyo guddoomiye ku xigeenkii Raaga Ceelle Muuse Afweyne, waxaana ay ku dhinteen weerarkaasi, iyadoo sidoo kale halkaasi ay ku dhinteen askartii galbineysay qaarkood.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, gaar ahaan inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa kusoo batay weerarada ay fuliyaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Xildhibaannada Hirshabelle ayaa walaac xooggan ka muujinaya amni xumida ka jirta wadadan, maadaama inta badan xildhibaannadan usoo safraan Muqdisho.

Goobjoog News